DHAGEYSO:- Weerar 3 qof lagu dilay oo ka dhacay Mudug

0

Saddex qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay miyiga galbeedka gobolka Mudug, kaasi oo la rumeysan yahay inuu ahaa mid ku saleysan aano qabiil.

Dadka ku dhintay weerarkan oo ahaa mid jid gal ah, ayaa mid ka mid ah waxay ahayd haweeney.

Weerarka ayaa imanaya ayada oo magaalada Dhuusomareeb uu ka socdo shir dib u heshiisiin ah oo loo qabanayo beelaha dega gobolka Mudug.