Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Beledweyne

0

Dagaal muddo kooban socday ayaa xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne, ee xarunta Gobolka Hiran ,ka dib markii Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada xoogga ku leeyihiin Bartamaha Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.

Rasaasta oo socotay muddo 30 daqiiqadood ah ayaa bilaabatay, Markii xubno ka tirsan Al-shabab ay weerar gaadma ah ku qaadeen, fariisin ay ciidamada militariga Soomaaliya ku leeyihiin xaafadda howl wadaag ee galbeedka Magaalada Beledweyne, gaar ahaan buundada Liiqliiqato ee gobalka Hiiraan.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dhawaqa qoryaha culus iyo rasaasta laga maqlayay xaafadaha Magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan.

Weli wax faahfaahin rasmi ah lagama hayo Khasaaraha ka dhashay weeraradii xalay.

Ciidamada xoogga ayaa saakay baaritaano ka wado Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.