AKHRISO:- Ethiopia oo sheegtay inay qabatay xubno ka tirsan Daacish

0

Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in ay ku qabatay gudaha dalkeeda xubno ka tirsan ururka IS ama Daacish kadib howlgalo ay ka sameeyeen deegaano ku yaal xadka Ethiopia ay la wadaagto dalka Soomaaliya.

Colonel Tesfaye Ayelew oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in xubnaha ka tirsan Daacish ee la qabtay ay u kala dhasheen dalalka Suuriya,Yemen iyo Ethiopia balse ma sheegin tirada xubnahaas ka tirsanaa ururka Daacish.

Waa markii ugu horeysay ee gudaha dalka Itoobiya lagu arko xubno ka tirsan ururka Daacish,hase yeeshee dalka Soomaaliya ee deriska la ah Itoobiya ayaa waxaa ku sugan xubno ka mid ah ururka Daacish.

Lama oga halka ay ka yimaadeen xubnahan ka tirsan IS ama Daacish iyo ujeedkooda,waxana ay ku soo beegmeysaa iyadoo inta badan dalka Siiriya oo ah halka uu saldhigoodu ahaa ururka Daacish laga saaray.