Wasiir Cawad oo wareejiyay Shir guddoonka Jaamacadda Carabta

0

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka qeyb-galay Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta ayaa shir guddoonka Shirkaasi ku wareejiyay dhigiisa dalka Ciraaq Maxamed Cali Xakiim.

Wasiirka arimaha dibada xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in arinta falastiin ay ahaaneyso qadiyada koowaad ee wadamada Carabta ilaa iyo inta laga helayo dowlad madax bannaan oo falastiin leedahay Caasimadeeduna tahay Magalada Qudus.

Sidoo kale wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa mudo Lix bilood ah ahaa Shir guddoomiyaha  Golaha wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Jaamacadda Carabta,isaga oo guddoomiyay Shirar dhowr ah oo ay yeesheen Wasiirada Arrimaha dibadda ee dalalka Carbeed.