Taliska Xoogga Dalka Iyo AMISOM Oo Mar Kale Ka Shiray Dagaalka Al-Shabaab

0

Taliyaha Qaybta 21-aad General: C/Casiis C/Laahi Cabdi Qooje ayaa Saraakiisha AMISOM qeybta Jabuuti ee ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Markale kala Hadley Xaalada Guud ee Gobolada Dhexe iyo Iskaashiga Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Maadaama loo Diyaar Garoobayo Xoreynta deegaanada Al-shabaab halkaas  ay joogaan.

AMISOM ayaa aaybta 21-aad ku Amaantay Juhdiga ay ku Bixisay in la sugo Amaanka Deegaanada Xorta ah ee Galmudug waxa ayna Balan qaadeen in ay kaalin Balaaran ka Geysanayaan Arimaha Diyaar Garowga si loo suurta Galiyo in la gaaro Dhul Badan oo Al-shabaab ay ku sugan yihiin.

Taliyaha Qeybta 21-aad General:  “Qooje” oo Baladweyn ku sugan ayaa tan iyo waqtigii loo magacaabey Hogaaminta Qaybtan waxa uu Ku guuleystay in uu nidaamiyo Habka Ciidamada XDS ee Qaybtan taas oo si dhaqsi leh u Muujisey Cudud Awood u Leh.