SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaare Khayre: Wadajirka Reer Xudur Cadawga Isaga Dul Qaadeen Oo Amniga Uga Shaqeeyeen Waxa Ay Tusaale u Tahay In Dadka Soomaaliyeed Wax Qabsan Kararaan

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo bulshada Xudur kala qayb galay munaasabad ay kusoo dhaweynayeen wafdiga uu hoggaaminayo ayaa sheegay in dowladnimadu ay tahay dadka oo isu taga, wadajir wax u qabsada, horumarkana ka shaqeeya, si cududooda u muujiyaan wax kasta oo dhib ku ah deegaankana ay isaga qabtaan.

Dhammaan bulshadii munaasabadda ka hadashay ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga war bixiyay qaabkii ay magaalada uga xoreeyeen argagxisada iyo sida ay hadda amnigeeda ku sugaan oo ah hannaan ay bulshadu ay wadajir uga qayb qaadato, arrintaas oo suuga gelisay in magaaladu ay hesho amni la isku haleyn karo iyo in cadawgu ay ku dhiirran waayaan inay bulshada shirqoollo u maleegaan

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed wax ka baran karaan wadajirka ay danta deegaanka uga shaqeeyeen reer Xudur, waxa uuna dhamaan dadka ku nool deegaannada ay argagaxisadu dhibka ku hayaan ugu baaqay in ay midnimo muujiyaan oo ay wadajir isugu abaabulaan ka hor tagga argagaxisada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu baaqay reer Xudur in ay laba jibbaaraan isku duubnida ka dhexeysa bulshada iyo maamulkooda, ayaa faray hey’adaha caalamiga ah ee dalka ka howl gala in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qabtaan baahiyaha ay qabaan bulshada ku nool Xudur si ay u gaaraan horumarka ay hiigsanayaan.