SAWIRO:- Kheyre oo kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Bakool

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa kulan la Qaatay Maamulka Degmooyinka Xudur Rabdhuure iyo Tiyeeglow kaasi oo looga hadlayey Xaaladaha kajira Gobolka Bakool

Maamulka Degmada Xudur iyo Odayaasha ayaa Madaxda kala hadlay Dardar gelinta howlaha Dib u xureynta deegaannada hoosyimada Degmada iyo sidii loo tayeyn lahaa Xarumaha Waxbarashada, Caafimaadka,Shaqo Abuurka Dhalinyarada iyo sidii looga Qeyb qaadan lahaa Dib u xureynta Guud ee Gobolka Bakool.

Maamulka iyo Odayaasha Dhaqanka Degmooyinka Rabdhuure iyo Tiyeeglow ayaa sidoo kale Madaxda kala hadashay Sidii Degmooyinkaas looga saari lahaa Al-Shabaab oo gacanta ku haya degmnooyinka ay Guddoomiyeyaasha ka yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre ayaa balan qaaday inay wax ka qaban doonan Arrimaha Waxbarashada,Cafimaadka iyo Shaqa la’aanta Jirta,waxaana sidoo kale uu sheegay in Muhiimada Koowaad la siiyo sidii looga Shaqayn lahaa Amniga Gobolka Bakool kan Dowlad ahaan ay wax ka qaban doonaan tayeynta Ciidanka Xooga Dalka.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Masuuliyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka uu kula dardaarmay inay Xoojiyaan Hanashada Ammaanka Guud Gobolka Bakool si dadka ku nool ay Nabad ugu wada noolaadaan.