Puntland oo mamnuucday Hubka lagu dhex qaato Magaalooyinka

0

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa magaalooyinka maamulkaas ka mamnuucay Askarta iyo dadka kaleba in ay Hub ku dhex qaataan gudaha Magaalooyinka.

Taliyaha Booliska Maamulka Puntland Muxiyaddiin Axmed muuse ayaa waxaa uu sheegay in qofkii lagu arko isaga oo qori ku dhex wata Magaalooyinka hubka lagala wareegi doono.

“Laga bilaabo 11-ka bisha September magaalada laga bilaabo barlamaanka ilaa Rugsan, ilaa dhinaca kale u leexo Wadada Meeraysane (Dr Jimcaale) ilaa jidka Sodonka intaa qaad laguma qadi karo marfashna lagama samayn karo, cid walba oo halkaa wax u yaaliin waa inay ka qaadataa waayo waxaa ka timid amni xumo”, ayuu yiri Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse.

Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ayaa waxaa uu sidoo kale digniin u diray Waaliddiinta Carruurtooda ay qeyb ka yihiin amni darrada Magaalooyinka Puntland.