DHAGEYSO:-Taliska Ciidamada Booliska Puntland oo Amaro cusub oo la xiriira sugida amniga Caasimada Garowe soo saaray

0

Muxuyadiin Axmed Muuse Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa amaro cusub oo lagu sugayo amniga caasimada Puntland ee Garoowe soo saaray, Taliyuhu wuxuu ka hadlay ciidamada aan shaqada ku jirin ee qoryaha ku dhex sita magaalada, dadka hubka ku ilaaliya bogcadaha ku yaala Magaalada Garoowe, Goobaha ku teedsan laamiga ee lagu gado qaadka qaarkoodna lagu qayilo iyo dhalinyarada ku hawlan taleefoon furashada.

Muxyadiin Axmed Muuse wuxuu ciidanka amar ku siiyey inay qoryaha ka qaadaan askarta aan howl-gallada kujirin ee hubka la dhex-qaada magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, sidoo kale waxa uu sheegay in cidii lagu qabto hub si sharci daro ah loo wato ay dawladu la wareegi doonto aysana jiri doonin cid ka daba imaan karta.

Talisku waxa uu wadooyinka qaar ka mamnuucay in lagu iibiyo qaadka ama laga furo meheradaha lagu qayilo ee loo yaqaan Merfishka “ Laga bilaabo 11-ka bisha September magaalada laga bilaabo barlamaanka ilaa Rugsan, ilaa dhinaca kale u leexo Wadada Meeraysane (Dr Jimcaale) ilaa jidka Sodonka intaa qaad laguma qadi karo marfashna lagama samayn karo, cid walba oo halkaa wax u yaaliin waa inay ka qaadataa waayo waxaa ka timid amni xumo”