DHAGEYSO:-Sii deynta wasiirka Amniga Jubbaland oo lagu xiray 3 Shuruud oo aad u adag

0

Waxaa muddo 10 cisha ah Magaalada Muqdisho ku xiran wasiirka amniga ee maamulka Jubaland, Cabdirashiid Xassan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan) oo dowladda federaalka ay ka qabatay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, xilli uu ku sii socday dalka Itoobiya.

Mas’uuliyiiin ka tirsan dowladda federaalka ookal hore ka hadlay xarigiisa aya sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan eedeymaha loo jeediyay, maxkamad na la soo taago doonaa.

Hasayeeshee maamulka Jubaland oo dhawr shir ka yeeshay xariga wasiirka amniga ee Jubaland ayaa sheegay in tallaabadaas ay tahay mid sharci darro.