DHAGEYSO:-Ra’iisul Wasaare hore Soomaaliya oo ku baaqay In Wada-hadal toos ah lala galo Alshabaab

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ee dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Cabdi Faarax Sheekhdoon Saacid ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay la timaado qorsho cad oo ay uga guuleysan marto Ururka Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in xilligaan Al-Shabaab ay yihiin dad awood badan oo la kari waayay,hayeeshee hadii laga adkaan waayay ay muhiim tahay in wada-hadal toos ah lala galo si loola heshiiyo.

“Wada-hadal toos ah in lala galo ayaan anigu qabaa,runtii waxaa weeye waa dad Soomaaliyeed oo la kari  waayay,axaana fiican in laga guuleysto,nabad wadahadal ku timaado lafteeda lama dhayalsan karo ayuu yiri” Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.