DHAGEYSO:-Ra’iisul Wasaaraha JFS Oo Amar Siiyay Hay’addaha Dowladda Iyo Kuwa Caalamiga

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa xalay waxaa halkaas loogu sameeyay kulan soo dhaweyn ah.

Kulankaas ayaa waxaa siwada jir u soo qabanqaabiyay Bulshada ku dhaqan Xudur iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxaanaa Ra’iisul Wasaare Kheyre uu Khudbad u jeediyay dadkii ku sugnaa Munaasabadda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in kulan uu la qaatay Odayaasha dhaqanka Xudur ay ugu soo bandhigeen baahiyaha kala duwan ay qabaan,isla markaana u baahan yihiin in loo qabto adeegyo kala duwan oo nolosha Aasaasi u ah.