AKHRISO:- Taliye kuxigeenka Sirdoonka Qatar oo socdaal qarsoodi ah ku yimid Muqdisho

0

Warar lagu kalsoonaan karo oo aanu helnay ayaa sheegaya in Taliye kuxigeenka Sirdoonka Qatar uu maalin ka hor safar qarsoodi ah oo qaadatay hal cisho uu ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Abdallah Mohamed Mubaarak Saalax Al-khaliifi uu booqasho qarsoodi aheyd uu 8-dii bishan September ku yimid Muqdisho, waxaana ay magaalada ku hoydeen habeen, iyagoo shalay ka dhoofay.

Taliye kuxigeenka oo ay wehliyeen Saraakiil kale ayaa kulamo la qaatay Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Mr Fahad Yaasiin oo bishii hore si buuxda xilka Taliyaha loogu magacaabay, kaddib muddo sanad ku dhow oo uu Sii haye ka ahaa Hey’adda.

Ammaanka Taliye kuxigeenka Sirdoonka Qatar ayaa waxaa la wareegay intii uu Muqdisho ku sugnaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan.

Qatar ayaa saameyn weyn oo qoto dheer ku leh Hey’addaha Amniga iyo Sirdoonka Soomaaliya, iyadoo la sheego inay taageero gaar ah siiso Hey’adda Sirdoonka ee uu hoggaankeeda haayo Mr Yaasiin oo xiriir dhow la leh Qatar.

Labadii sano ee u dambeeyay saameynta Qatar ee Soomaaliya ayaa sii xoogeysaneysay, iyadoo si dhow u taageerto dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana jiray booqasho dhowr ah oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ku tageen Doxa.

Bishii hore ayaa waxaa booqasho ku yimid Muqdisho Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, waxaana uu ahaa Mas’uulkii ugu heerka sareeyay ee soo booqda Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2015, waxaana Qatar ay haatan mallaayiin doolar ku bixineysa mashaariic kala duwan oo ay ugu weyn tahay dhismaha Dekeda Hobyo ee Gobolka Mudug.