AKHRISO:- Masar iyo Soomaaliya oo Is faham ka gaaray Iskaashiga Maalgashiga ee labada waddan

0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Dr. C/llaahi Cali Xasan iyo Wasiirada Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Masar, Saxar Nasar waxay maanta qalinka ku duugeen Heshiiska Isfahamka Maalgashiga Wadajirka ee labada dal.

Heshiiska Istaraatijiyada Iskaashiga Maalgashiga ee Soomaaliyaa iyo Masar waxaa lagu saxiixay magaalladda Qaahira, kadib markii la soo gabagabeeyey Shirweynihii Labaad ee Guddiyada Ganacsatada ee Labada dal ee ka socday Qaahira.

Munaasabadda saxiixa ee Heshiiskaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Masar, Cumaru Nasaar iyo madax kale.

Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir ganacsi iyo maalgashi oo qoto dheer, waxaana horay labada dal u kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo ganacsi iyo waxbarashada sare loogu qaadayay.