TOOS:-Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo khadka telfoonka ku bogaadisay xulka Qaranka oo la ciyaaraya xulka Zimababwe

0

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo khadka telfoonka kula hadashey xulka Qaranka Soomaaliyeed ee kubadda cagta,kuwaasi oo hada la ciyaarayadaxulka qaranka dalka Zimbabwe,ciyar kamid ah isreeb-reebka koobka Addduunka ee 2020.

Waxaa ay sheegtay wasiir Khadiijo in dhammaan madaxda dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed ay taageero,dhiirogelin iyo ammaanba ay la garab taagan yihiin xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda cagta,iyadoo ku dhiirogelisay in ay difaacaan magaca umadda Soomaaliyeed.

“Hadii aad tihiin xulka Qaranka,Wasaaradda,Umadda Soomaaliyeed,dowladda iyo bulshada meelkasta oo aad joogaan gudaha iyo dibadda waad farxadgeliseen,waxaana alle idinkaga baryaynaa in aad guusha heshaan,magaca adinkaa keeney,magaca Soomaaliyeed maanta meesha aad gaarsiiseen,muddo 30 kadib,cidi ma ogeen dadaalkii lagu bixiya arrintaasi,waxaad ogataan in la idinka war-qabo ilaahay ha idin garabgalo,mid walba oo idinka mid ah madax ayaan ka dhunkaday guuleystay, Allah-macakum.”. ayay tirir wasiir Khadiijo.

Ciyaartan dhexmaraysa xulalka qaramada Soomaaliya iyo Zimbabwe ayaa ah mid aad u xiiso badan,waxaana ka qeybgalaya taageerayaal Soomaaliyeed oo ka kala socda gudaha iyo dibadda dalka,kuwaasi oo ku sugan caasimadda Dalka Zimbabwe ee Harare.

TOOS SOOMAALIYA & ZAMBABWE

Slået op af Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed i Tirsdag den 10. september 2019