SAWIRRO:-Taliyaha Qaybta 21 aad oo Baladweyne kula kulmay Saraakiisha AMISOM

0

Taliyaha Qaybta 21 aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo dhawaan soo gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa halkaasi kula kulmay Saraakiisha Ciidanka AMISOM gaarahaan kuwa Itoobiya.

Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga dalka General Cabdicasiis Cabdulaahi  Qooje Ayaa Xerada AMISOM ee Baladweyn Kulan wadatashi ah kula Qaatay Saraakiisha Ciidanka Midowga Afrika garahaan kuwa ka socda dalka Itoobiya waxaana Madasha ku wehlinaayay Saraakiil ka tirsan Taliska Qaybta 27 aad ee XDS ee saldhigoodu yahay Magaalada Baladweyne.

Taliye Qooje Ayaa AMISOM uga warbixiyay Howlaha ay qaybtu ka wado Galmudug iyo Qorshaha isku Xirka Howlgalada ee Dowladu qorshaysay ee ka dhanka dagaalamayaasha Al Shabaab ee maamula deegaano iyo degmooyinka ka tirsan Galmudug.

Saraakiisha AMISOM ayaa Dhankooda Amaanay Booqashada Taliska 21aad ee Baladweyn, Howlaha qaybta oo dardar ku socota iyo Magacaabistii Taliska Cusub ee qaybta 21 aad.

Taliyaha qaybta 21 aad ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa dhawaan soo gaaray Baladweyne si uu halkaasi ugu qaado Ciidamo tababar uga socday Xarunta Hiiraan balse waxaa arintaasi ka horyimid Madaxda Dhaqanka Baladweyne.