SAWIRRO:-Duqa Muqdisho oo Kulan Isla-xisaabtan ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka ilaalinta Deegaanka ee Xamar

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa aqalka Dawladda hoose ee Xamar kulan kula qaatay Saraakiisha Taliska Ciidanka ilaalinta Deegaanka ee Xamar.

Ujeedka kulankaan oo ahaa islaxisaabtan iyo ladagaalanka musuq maasuqa oo qeyb ka ah siyaasadda duqa magaaladda Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa waxaay goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xiggeenada Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa uu guddoomiyaha gobolka Banaadir uu mid Mid u wareystay saraakiisha ciidanka ilaalinta deegaanka ee Xamar, isaggoo u sheegay in maamulkiisa uusan aqbali doonin musuq maasuq iyo kutakrifal Awoodeed.