R/Wasaare Kheyre oo ku wajahan Degmada Xudur

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in  uu gaaro degmada Xudur ee Gobolka Bakool,iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay.

Gudaha degmada ayaa waxaa ka socda soo dhaweyntii ugu dambeysay, waxaana ammaanka sugaya Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Shalay ayaa degmada Xudur waxaa gaaray wafdi hordhac u ah Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu tago degmada Xudur waxaa uu halkaasi ka dhagax-dhigi doonaa  mashaariicyo hormarineed,isaga oo sidoo kale booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda & kuwa Kooonfur Galbeed.