Muran Ka Taagan Xil Wareejinta Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hiiraan

0

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ka socday kulamo xal loogu raadinayo muran ka taagan xil wareejinta Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hiiraan.

Kulamadan ayaa u dhexeeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo Mas’uuliyiintii hore ee Maxkamadda Rafcaanka Hiiraan,kuwaasi oo dhammaantood diiday in xilka ay wareejiyan,kadib markii saddex todobaad kahor uu xilka qaadis ku sameeyay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Sababta ay u diidan yihiin in xilka ay wareejiyan Mas’uuliyiintii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay ku sheegeen inay tahay sababo la xiriro inuu jiro dhaqaalo yari,iyagoona xusay in muddo  aysan helin wax Mushaar ah,isla markaana aysan xilka wareejin karin.

Hayeeshee Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka socda dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo muranka ka taagan xil wareejinta Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hiiraan.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Bartamahii bishii hore waxaa xilkii looga qaaday dhammaan Mas’uuliyiinta Maxkamadda Goblka Hiiraan,waxaana isla wareegtadaas lagu magaacabay dhammaan Mas’uuliynta Maxkamadaha Magaalooyinka Baladweyne, Maxaas, Buulo burte iyo deegaano kale