Madaxweyne Waare oo ku dhawaaqay howlgal wado furis ah

0

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Xerada Ciidamada AMISOM gaar ahaan Tan Itoobiya kaga qeyb galay munaasabad Qada Sharaf ah oo ay saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay u sameeyeen Madaxweynaha, xubnaha Labada Gole ee Hirshabelle iyo mas’uuliyiinta Heer Gobol iyo Heer Degmo, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa qadada Ugaas Xasan Ugaaas Khaliif qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida qeybihiisa Kale duwan.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta Muhiimada ay u leedahay Hirshabelle in la isku furo wadooyinka kala xiran ee go’doonka ugu jira Uruka Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo sii hadlay ayaa hoosta ka xariiqay inta Soomaaliya amaankiisu uusan hagaagsaneyn in Geeska Africa aysan nabad noqoneyn taa bedelkeedana ay tahay Soomaaliya oo hagaagta in guud ahaan Gobolka uu hagaagay.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle ayaa kaga mahadceliyay Wadamada qeybta ka ah Ciidamada AMISOM ee naftooda Soomaaliya si gaar ah ciidamada ka howlgala Hirshabelle, isagoo ku ammaanay doorkooda lama ilaabaanka ah, waxaana Madaxweynuhu carabka ku dhuftay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabayaan Holwgalo la isugu furo wadooyinka Kala xiran ee go’doonka ku jira.

Ugu dambeynta Madaxweynaha ayaa Shahaado Sharaf ay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay ugu talo galeen guddoonsiiyay Xubnaha Maamulka shahaado sharaf ay ku muujinayaan Wadashaqeynta maamulka iyo AMISOM.