Madaxweyne Trump oo shaqadii ka eryay la taliyihiisa ammaanka

0

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa shaqadii ka eryay la taliyihiisii gaarka ahaa ee dhinaca ammaanka John Bolton.

Trump ayaa boggiisa twitterka ku soo qoray ereyo ay ka mid yihiin;”Waxaan u sheegay Bolton xalay in aan waqtigan laga bilaabo aan loogaga baahneyn shaqadii uu ka hayay Aqalka Cad.”

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in talooyin badan oo uu u soo jeediyay Bolton ay ahaayeen kuwo uusan raali ka noqon,waxana uu intaa raaciyay in toddobaadka dambe magacaabi doono la taliye cusub.

Eryida John Bolton ayaa imanaysa xilli ay soo baxayeen in khilaaf xoog leh uu ka dhex jiro madaxda dalka Maraykanka qorshihii heshiiska ee lagu martiqaaday madaxda Daalibaanka Aqalka Cad.

Xoghayaha arrimaha warbaahinta ee Aqalka Cad Stephanie Grisham ayaa u sheegay weriyaasha in Madaxweynaha uusan jecleysan siyaasadaha Bolton. Hase yeeshee Bolton ayaa sheegay in uu xalay u gudbiyay Madaxweyne Trump is casilaadiisa balse uu Trump ugu jawaabay inay is arkaan maanta.