DHAGEYSO:-Ugaas Xasan “annaga Carruur ayaan diidnay ee Ciidan ma diidin”

0

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah dooneyso in ay Carruur ka askareyso Magaalada Baladweyne.

Ugaaska ayaa sheegay in Taliye ka yimid dhinaca Galguduud oo Baladweyne ku sugan u sheegay in Caruur la doonayo in laga qaado Magaalada Baladweyne lana geeyo Gobolka Galguduud.

Waxaa uu sheegay in Odayaasha dhaqanka Magaalada Baladweyn hadal ay jeediyeen loo beddelay isaga oo sheegay lioga dhigay in Odayaasha beeshaas ay diideen Ciidan laga qaadi lahaa Magaalada Baladweyne.

Ugaas Xasan ayaa sheegay in beeshooda aysan diidin Ciidan dowladeed hase ahaatee ay diideen wax uu ku sifeeyay Carruur laga soo ururiyay Degmooyinka qaar ee Gobolka Hiiraan.

Ugaaska ayaa sheegay in Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga uu la soo xiriiray islamarkaana weydiiyay sabata ay u diideen Ciidanka isaga oo taas ka jawaabayay ayuu sheegay in aysan Ciidan diidin ee ay Carruur diideen.

Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka ah sida Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha ayuu u sheegay in Carruur aysan oggolaaneyn in laga qaado Baladweyne laakiin aysan diidin ciidan.

Ugaaska ayaa dowladda ku eedeeyay in Taliyaha Ciidanka ka doonay Baladweyne uu todobaadyo ka hor dagaal beeleed ku lug lahaa maantana sida uu hadalka u dhigay Jeneraal looga dhigay,waxaana uu ku baaqay in Ciidankaas deg deg looga saaro Beledweyne.