Booliska Koonfur Afrika oo dad badan ka qabtay dalkaasi

0

Ciidamada Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay dad badan ka qabteen magaalada Johannesburg ee dalkaasi.

Saraakiisha ciidanka Booliska ayaa sheegay in dadka la qabtay ay ka dambeeyeen boobkii ka dhacay Magaalooyinka ka tirsan dalka Koofur Afrika.

Tirada dadka la qabtay ayaa waxaa la sheegay in ay gaarayaan ku dhawaad 50 qof, kuwaasi oo boolisku sheegeen inay heysan warqada u ugolaaneysa inay dalkaasi ku noolaadaan,isla markaana baaritaano kale oo dheeri ah lagu sameyn doono.

Afhayeen u hadlay booliska dalka Koofur afrika ayaa waxaa uu sheegay in wax badan laga qaban doono boobka loo geysto dadka ajaanibta ee ku nool dalkaasi.

Soomaalida ku nool dalka Koofur Afrika ayaa wajahaya dhibaatooyin badan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin boob, dhac, hanjabaad iyo dil loo geysto.