Bangiga Adduunka oo amni darrada Somaliya la xiriiriyay waxbarasho la’aanta

0

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in amni darrada ka jirta Soomaaliya ay kaalin weyn ku leedahay waxbarasho la’aanta ka jirta dalka.

Iyada oo shalay la xusayay maalinta Wax aqriska iyo waxbarashada ayaa waxaa warbixinta lagu sheegay in dadka Soomaaliyeed 40% da’doodu u dhaxeyso lix jir ilaa 18 jir,taas oo ka dhigay in heerka ugu badan ee dhallinyarada aysan tagin goobaha waxbarashada.

Waxaa kale oo warbixinta ku jirtay in saadaasha Bangiga adduunka aysan muujineyn fursado shaqo abuur ah oo ay sameyneyso dowladda iyo waliba fursado kale oo waxbarasho ah.

Bangiga ayaa ka digay in dhallinyarada aan heysan waxbarashada iyo shaqada ay u nugulyihiin in ay ku biiraan kooxaha ka dagaallama gudaha dalka.

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Hugh Riddell  ayaa sheegay in waqti badan ay qaadaneyso horurinta dhaqaalaha Soomaaliya laakiin doorka dhallinyarada uu yahay mid muhiim ah.

Hugh Riddell, ayaa ku baaqay in hay’adaha dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay maalgashi ku sameeyaan Waxbarashada Soomaaliya.