QORMO:- SOOMAALILAND WAY KU MAHAD SANTAHAY ILAALINTA DHAQANKA SUUBAN EE SOOMAALIYEED

0

Waxaan in yar oo kooban kaga hadlayaa maqaalkan arimo ay ka hadleen wax garadka qiimaha badan ee Soomaaliland oo la xariirta dhaqan xumo lagu soo dhex qariyay dhaqanka suuban ee soomaaliyeed. Waxaan idinla wadaagayaa in ay jiraan caalamka siyaabo farabadan oo dad iyo dal loo guumaysto,waxaa kamid ah tusaale in dal lagu soo duulo oo si xoog ah lagu qabsado,sidoo kale in qaab dhaqaale lagu qabsado oo laga iibsado dalka dadkii lahaa meel kastoo muhiim ah lanaguna yeesho shirkado ganaacsi oo hanta dalkaas. hadaba wax kalaa jira oo dal lagu qabsankaro.

Waxaa jira in dhaqankaaga lagaa suuliyo,luuqadaada ama afkaaga la shiiqiyo, labadan oo keenaysa in waxaa gii aad ab iyo isir u lahayd oo dhaxalka awoowe ahayd in lagaa kaxeeyo,kukalana aad gaari waydo ileen malihid ee!!

Doorin weeye lagaa dooriyo dhaqankaagii taasoo kaa dhigaysa GARANWAA ama lama yaqaan. si hadaba dalwalbaa arinkaa u ilaashado waxa uu usamaystay wasaarad dhan oo shaqadeedu tahay oo kaliya ilaalinta dhaqanka bulshada,iyadoo laga dhawraayo in dhaqankale oo doolku yimid uu dhex galo oo badalo kan asalka ah ee bulshadu leedahay ama dalku leeyahay.

Tan iyo intii dalka soomaaliyeed ku dhacay dawlad la aanta iyo burburka baahsan ee sodon jirsaday,waxaa dalkeena ku socda doorin jiilasha hada inoo kacay dhaqan ahaan. waxaana jira hay ado shisheeye oo ka faa iidaysanaaya xaaladeena maanta. dadkeenu waa baahan yahay aqoon durugsana malaha labadan ayaa laga faa iidaysanayaa oo dad inaga ah ayaa loo soo dhiibay mashaariicdan dhaqan doorinta umada soomaaliyeed iyo somaliland intaba.

Waxaa jira dadyaw ay u tahay waxay ku raaxaystaan in umad la dhalan rogo,laga kaxeeyo waxoodii. waa uun yaab iyo camalo shaydaan. dadka soomaaliland waa dad dhaqan leh aad u sareeya,waa dad leh murti iyo gabayo,waa dad ah soomaali. maanta dhaqamada qaarkood waxaa iska diida dawlado gaalo ah oo aan diin dhawranayn laakiin dhaqan xumadaa diidan. waxaa jira kuwo wada dhaqan xumada oo faafinaaya kolkaa waa in laga feejignaado oo lays difaacaa.

Soomaaliland shisheeye cadaw ah ayaa uuga faa iidaysanaaya siyaasadooda ah gooni isutaag iyo citiraaf raadin,intay isleeyihiin diblamaa siyeeya oo reer galbeed iyo caalamka qanciya si ay u helaan citiraaf ayaa cadawgu ka faa iidaystay oo hoos galiyay waxaan dhaqankeena iyo diinteena inoo cuntamin. waxaa argagax leh hadaan wax ka xuso wasaarada diinta iyo awqaafta oo leh ayaan tiifiiyada caalamka ka daawanay “AADANKA HOOS HALOO DHIGO QAYLADIISA CARUURTII IYO XAASASKII AYAA KA SEEXAN WAAYEE” fikirkaasi maha fikir qof soomaaliland ah waad wada aragtaan.

Wadamada reer galbeedka lama ogola in kor loo qaado aadanka waayo dadka gaalada ah ayaa badan mana doonayaan aadan aysan rumaysnayn iyagu mana tukanayaan kolkaa hurdadii ayuu ka arbushayaa. laakiin macnaha aadanka ayaaba ah in dadka lakiciyo oo loo dareero salaad caruur iyo ciroolaba, hadii Magaalada Hargaysa ay noqon lahayd magaalo gaaladu ku badan tahay mulimkuna yar yahay waa wax kale lakiin hada boqolkiiba boqol dadku waa muslim suni ah.

Waxaa inoogu xigtay in dood lagaliyo xijaabka gabadhaheena oo layiraa quruxdoodii ayaa la qarinayaa? oo macnuhu yahay in dharka laga tuuro kadibna caro illaahay ku dhacdo kadibna ay cadaab sidaa ku galaan bal cadawnimadaa day!

waxaa inoogu xigtay in layiraahdo sameeye wixii qoomu luud lagu halaagay oo ah rag u tagaya rag iyo dumar u tagaya dumar oo macnuhu yahay in laburburiyo dhaqankeena suuban,laynugu rido caro illaahay oo dadkeena loo horseedo cadaab aakhiro. bal cadaawadaa day!

Waxan oo dhan waxaa wada cadaw shisheeye,dalkeena oo kaliyana kama wadaan meel walbay rabaan in ay ka hirgaliyaan foolxumadaa aduun oo ciribteedu tahay fasaad iyo ciqaab allaah.

Hadaba waxaan fariin u diriyaa walaalnimo wasaarada awqaafta iyo arimaha diinta iyo aqoon yahanada iyo abwaanada iyo wax garadka iyo dhalinyarada in la baraarugo oo dalka waxa ka socda hoos loo eego iyo dhaqamada foosha xun ee inoo cuntamin ee laynagu dhex wado.

Hadaba arintani maha is feer yaac,waxay u baahan tahay cilmi iyo maskax u dajisa xeerkii iyo qaabkii iyo sidii arinkaan loo wajihi lahaa calashaan si xikmad leh.ka hortag cilmiyaysan dawladaysan sharciyaysan bay rabtaa maha laab la kac ah waxbaan reebi aan bislayn.

waayo waxa inagalay ayaa ah maskax cilmi ku dheehan oo ina burburinaysa. la imaw garasho badan iyo xeelad is difaac oo sare. Soomaaliland waa dad leh diin iyo dhaqanka u sareeya caalamka iyagaa loo bahan yahay in dhaqankooda lagu daydo oo la qaato gobtaas. waxaan aad uugu faraxsanahay abwaanka iyo akhyaarta ka hadashay ee inoo danqatay difaacaysa sharafkeena. waana mahad sanyihiin waa in la garab istaagaa lana dhiiri galiyaa ragaas si xikmo leh.

Balaayo lama qarsado banaankaa la keenaa nijaasta layskana tiraa.waxaan marlabaad ku amaanayaa somaaliland ilaalinta sharafka dadka iyo dalka iyo diinta. ma ceebaysnidin idinku waa balaayo dunida oo dhan lagu faa finaayo hayeeshee u baahan iska difaacid iyo feejignaan dheeri ah. maha waxaad idinku keen sateen waa balaayo guuraysa ee illoow na dhinacmari. wadamada aduunka uugu nadiifsan ayay ku jirtaa somaliland iyo soomaaliyaba caalamka hadaa larabaa in la kharibo kase yeelimayno.

Waxaan ku soo gunaanadayaa,wasaarada awqaafta iyo arimaha diinta, ee hada shay,abwaaniinta hadlay,aqoonayahanada iyo dhamaan wax garadka soomaaliland arinkan halmeel halooga soo jeedsado khilaaf dhexdiina ah iska ilaaliya,hal go aana isla qaata si aad ajarka uwada heshaan kuligiin ah wanaag faris xumaan reebid. wixii aan khalday waa daciifnimaday waxaanse qirayaa allaah hortiis in aana qoraalkaan u la jeedin waxaan ka ahayn dadkeena oo ilaashada sharafkooda aduun iyo aakhiradooda,khayr unbaan la doonayaa kuligeen siyaasana waa ka marantahay u jeedkayga maqaalkan maadama dadkii soomaaliyeed uu ku dhacay waxaan uugu yeeray Asqoow siyaasadeed.

Sideedaba nin haduu hadlo sida dhaqanka u ah wax garadka soomaaliyeedba,kaftanaka lagama tago; kolkaa waxaa koonfur soomaaliya la doortay madaxweyne farmaajo,hadaba xayn siyaasiyiin ah sida xasan sheekh,fiqi,mahad salaad,odowaa, cabdishakuur oo waxaan arkay gurxamaaya garna aan meesha ku hayn,afgaalo iyo af muslim waxay ku hadlayaan ayaan garan waayay! waxa layiri waa mucaarad! kolkaas ayaan iri kuwani qaab mucaarad iyo mid mu ayid midna malaha ee waxa haya uun ASQOOW SIYAASADEED.

Mindhaa siyaasadu igu soo orodmaha,maxay idinla tahay idinka? xagiina masoo gaaray Asqoow siyaasadeed wali hadaad tihiin somaliland?

W/Q Yuusuf Cumar