QORMO:- REER WANAAGSAN BUU KA DHASHAY XIKMO IYO XUKUN YAA LOOGU DARAY TAASI WAA UUN DEEQ RABI BIXIYO

0

Waxaa illaahay siiyaa adoomadiisa kuu doono cizi iyo karaamo una dhaliyaa isaga gobonimo iyo shaqsiyad fiican oo saraysa. Hadii qof illaahay karaameeyo oo uu kaa nasabad iyo sharafba badan yahay oo aadan arinkaa illaahay bixiyay sidaa u fahmin,laba qodob ayaa laga dhaxlaa oo kala ah sidan hoos ku xusan.
1.CUQDAD IYO DULINIMO ADUUNKA KORKIISA AH
2.CADAAB AAKHIRO
Dalkeenu isuma sheegayno xaalada uu maraayay ka hor curashadii dawlada cusub ee lagu doortay Madaxweyne Farmaajo 2.8.2017 haday noqon lahayd dhanka dhaqaalaha,nabad galyada, hanaanka dawladnimo iyo sharafka iyo karaamada umada soomaaliyeed. Madoonayo fool xumo laga soo gudbay in aan hada dib u falan qeeyo kol hadii laga wada dharagsan yahay.

Waxaan maanta aragnaa dalkeenii soomaaliya oo cagta saaray wadadii nabada iyo xasiloonimada.waxaan aragnaa kuwii afka duubnaa oo argagixisada ahaa oo laga dhigay wax la laayay iyo wax baxsaday oo lagu raad joogo. waxaana hawshaa fulinaaya ciidamada xooga dalka soomaaliyeed oo leh tababar buuxa oo ay kusoo afjarayaan amaanka guud ee dalka iyagoo cadawga kasifaynaaya gabi ahaan tiisba sida qorshuhu yahayba. waxaan aragnaa goboladii dalka oo dawladu kawado nidaam iyo maamulo loo dhan yahay xasiloon iyo kala danbayn buuxda.

Caasimada dalkeena MOGDISHO umada soomaaliyeed iyo aduunkuba waa qiray loona wada jeedaa isbadalka weyn ee amaan ee aydawladu ka samaysay iyadoo kaashanaysa shacabkeeda.waxaan aragnaa kalsoonida buuxda ee shacabka soomaaliyeed ku qabaan dawladooda maxaayeelay wax dhab ah ayay arkeen oo ah madaxweyne dalkiisa u daacad ah oo raba nabad iyo nolol in ay helaan dadka iyo shacabka soomaaliyeed. waa madaxweynihii umada soomaaliyeed mudo raadinaysay dhab ahaan.

lama diidana in wali qarax iyo dil jiro oo cadawgii waxbaa inagu dhex jira wali laakiin waa in lagu daba jiro oo lalayn doono. waxaana jira dad aan shabaab ahayn oo shacabka laaya oo u shaqeeya dawlado shisheeye isakana dhiga siyaasiyiin oo diidan in dawladu dalka nabadeeyso shacabkuna noolaado sida dunida kale. waxaa jira dad u kaalmeeya oo sidadban ula shaqeeya shabaabka oo MOGDISHO kusugan kuwaas oo ah SHABAAB KALKAAL waana lagu maqan yahay.

Dadka Soomaaliyeed dawladnimo ayuu u baahan yahay iyo nabad wuuna helay dawladii ka shaqayn lahayd noloshooda iyo amaankooda. waxaa xusid mudan in Madaxweyne farmaajo oo ah qof daacad ah oo dalkiisa jecel iyo dadkiisa in uu inoo keenay oo inoo soo xulay Raysal wasaare fiican oo kashaqo badan isaga ahna nin wanaagsan,waxaa run noqday hadalkii madaxweyne farmaajo oo maanta waa aragnay kartida iyo wadaniyada iyo geesinimada Raysal wasaaraheena mudane KHAYRE.

Marka laga reebo dad yaroo isku sheega siyaasiyiin oo buka! waxaa dawladan wanaageeda iyo in ay wixii hore ka duwan tahay kugu filan lama hayo waligeedba xataa saacadna ku dheh oo, Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha oo dagaalamaaya oo dawlado shisheeye u kala dab qaadayaan siday ahaan jirtayba.

Raysalwasaare khayre waa nin soomaaliya ka qaaday halkay tiilay,waana ninka dhisaya GALMUDUG LOO DHAN YAHAY.waan aragnaa wanaagiisa waana qiraynaa runbuuna sheegay farmaajo nin buu usoo xulay talada dalka anfacay umada soomaaliyeed.

Waxbadan waa inoo dhimanyihiin waxbadana dawladeenu waa qabatay,waxaase soomaaliyeey inala gudboon in aan illaahay ugu mahad celino hormarkan aynaan haysan shalay ee aynu helay maanta,waxaan sidoo kale u mahad celinaynaa madaxweyne farmaajo iyo raysal wasaare khayre iyo guud ahaan dawladeena heerkaan ina soo gaarsiiyay ee sidan inoogu shaqeeyay. qofkii wanaag sameeya waa loo mahad celiyaa in laga masayro oo la xaasidaa oo la xaqiraa sida dadka qaarkii waxba sooma kordhiso balse dhib bay qofkii naftiisa u gaysataa.

Waxaan illaahay kamagan galaynaa in aan dafiro oo xaqiro karaamada iyo sharafka madaxweynaheena iyo dawladeena waxay qabatay. waxaan qiraynaa Madaxweyne Farmaajo maha nin qabiil iyo qabyaalad ku shaqeeya mana aha mid tuug ah oo lacagta umada dhacaaya,waxaase khasaariyay naftiisa ninkii taa qiriwaaya xadad xagiisa ahaaday awgeed.

Soomaaliyeey aynu dalkeena dhisano,dadkeena daryeelo ilaashano dawladnimada iyo sharafka meel fiican ayaynu maraynaa yaan dib loo laaban.

Madaxweyne farmaajo wuxuu midaynayaa,umada soomaaliyeed ee sida ba an shisheeye u kala qabiyay oo ka dhigayaa haldawlad oo awood leh siday ahaan jirtay. waxa uu kusoo dabaalaya dalkeena soomaaliya sinaan,cadalad, midnimo iyo dawladnimo buuxda. dadka soomaaliyeedna waa isku diin,isku af,isku calan,isku dad,isku diin,isku diir,isku isrir,lamana kala qaadi karo kii isku dayana gacan bir ah ayaa lagu qabanayaa. dunidoo dhan baa qirtay hogaaminta fiican ee madaxweyne farmaajo maxaa ii diidaya anigoo ah soomaali in aan ku faano ku farxo u qiro waxaa illaahay siiyay ee sharaf ah? xataa hadan isku dayo in aan u diido sharafkaa illaahay siiyay farmaajo ma iisuuro galaysaa in aan hor istaago wax illaahay go aamiyay oo fadli ah oo uu adoonkiisa siiyay in aan celiyo? waxaa hubaal ah in dawlada soomaaliyeed iyo dadka soomaaliyeed mar dhaw noqonayaan kuwa aduunka ugu sharafta badan looguna ixtiraamka badan yahay duniduna u soo shaqo tagi doonto. dadka soomaaliyeed haka hortagaan cadawga gudaha ee doonaaya in uu ku sii hayo soomaali dulinimo iyo dawlad la aan iyo qabiilooyin kala goo go an oo ka caagan dawladnimo iyo calankii xidigta lahaa ee buluuga ahaa.

Waxaad arkaysaa kuwo diidan dawladnimada soomaaliya in ay guulaysato iyo in dalkeenu yeesho dawlad dalkoo dhan hanata siday shalay ahaan jirtay. oo ahayd in dalkeena dawlad ku soo xad gudbi kartaa jirin iyo cid badeena sheegata midna, maantana kenayaa maxkamad inala saaran badeenii, waayo dawlad baynu lahayn inaga celiso cadawga dalkeena damaaciya.

Hadaba dawladii dalkeena soomaaliya difaaci lahayd ee cadawga inaga celin lahayd ileen dawlad baa dawlad kaa celisee ayaan lugaha qabanaynaa oo diidaynaa,oo dawlad kastoo dawladeena ay isqabtaan ayaan raacaynaa sida Emaraatka,iyo kuwo kalaba,hadana afkaaan furanayaa oo waxaan ku qaylinayaa kenyaa nagu soo duushay iyo ethiopiaa na qaadanaysa waa laba arin oo aad u kala fog oo aan is qabanayn.

caruurtaa garanaysa wax la qaadan karana ma aha. sidaa daraadeed cadawgaas waa in dalka laga qabtaa oo aan meel uuga soo wada jeed sanaa lacag ku soo qaatay duminta dawlada soomaaliyeed dhab ahaana iyagaa ka sii xun dawladaha cadawga inagu ah. waxaan kusoo koobayaa dawladeena wixii ka khaldan halala shaqeeyo oo hala toosiyo taasaa ah danta umada soomaaliyeed.

W/Q Yuusuf Omar