AKHRISO:- Xiisad dagaal oo saaka ka taagan duleedka Magalada Dhuusamareeb

0

Waxaa saakay xiisad dagaal laga dareemayaa deegaan duleedka ka ah Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, halkaas oo shalay uu ka dhacay dagaal geystay dhimasho iyo dhaawac ah, kaas oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed.

Dagaalka aay shalay ka dhacay deegaanka Labadule oo dhinaca Koonfur ka xiga Magalada Dhuusamareeb qiyaas ahaana 23km u jirta ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday ilaa Lix ruux oo kasoo jeeda labada maleeshiyo beeleed ee wada dagaalamay.

Wararka saakay aan ka heleyno deegaanka Labadule ee duleedka Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay ilaa xalay ay taagan tahay xiisad u dhaxeysa labada maleeshiyo beeleed,isla markaana lag cabsi qabo in markale ay wada dagaalamaan.

Mid ka mid ah dadka ku nool Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu sheegay in maleeshiyaadka dagaalkooda uu salka ku haayo arrimo la xiriira dhul,isla markaana uu ahaa mid horay dhowr mar deegaankaas uga dhacay.

Ilaa iyo hadda kama hadlin dagaalkaas u dhaxeeyay labada maleeshiyo beeleed Saraakiisha Ciidamada Dowladda & kuwa Ahlusunna,waxaana wararka qaar aan heleyno ay sheegayaan in saacadaha soo socda la filayo inay bilaawdaan waan waan lagu xalinaayo dagaaladaas.