AKHRISO:- Guddoomiyaha Cusub ee G/Banaadir oo kulamo ka bilaabay Muqdisho

0

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolkan Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Finish) ee dhawaan xilkaasi loo Magacaabay ayaa Magalada Muqdisho waxaa uu ka wadaa kulamo uu la yeelano Madax & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa uu kulan la qaatay qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed,kuwaas oo Hoygiisa ugu tegay Hambalyo iyo hambalyo ku aadan xilka loo Magacaabay, iyaga oo dardaaran u jeediyay.

“Waxaa xalay ilaa iyo shalay kulamo kala duwan laqaatay qaar kamid ah waxgaradka soomaaliyeed kuwaa oo iigu yimid hambalyo iyo bogaadin ku adan xilka la’iimagacaabay . Hambalyo kadib waxay isoo jeediyeen dar daaran iyo duco waxaana kadalbaday in maamulka cusub ee aan hogaanka u ahay ay nala shaqeeyaan ayuu yiri Guddoomiye Cumar Finish”.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ka dalbaday Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed inay Maamulka la Shaqeeyaan,isaga oo balan qaaday inay xooga saari doonan sidii muqdisho ay ula tartami lahayd caasimadaha wadamada Caalamka.