Wasiir Maareeye oo guddoominaya shirka wada tashiga Warfaafinta Dowlad goboleedyada & Hay’adah daneeya warbaahinta

0

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir maareeye ayaa Guddoominaya shirka Wadatashiga Dowladaha iyo  Hay”adaha Daneeya Warbaahinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ,kaas oo saaka ka furmay Muqdisho.

Inta shirkan uu socdo waxyaabaha diiradad lagu saari doono waxaa kamid ah sidii loo heli lahaa wadiiqooyin sahlaya wacyigelinta dadweynaha,iyadoo loo marayo dhinaca warbaahinta iyo wacyigelinta,taasi oo ahmiyad u leh in bulshada la fahamsiiyo hanaanka dowladnimo iyo dowrkoodi ku aadan dhinaca horumarka.

Waxaa shirkaasi Goob joog ka ah wasiirada Warfaafinta Dowlada Goboleedyada Dalka,kuwaasi oo Muqdisho uga qeybgalay shir ku saabsan istraatiijiyada Wacyigelinta Qaranka.