Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM oo u dhashay Itoobiya Jen. Tigabu Yilma oo gordhow tagay Kismaayo

0

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa saacadaha soo socda ee Maanta lagu wadaa inuu gaaro Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM ee u dhashay Itoobiya Jen. Tigabu Yilma.

Ujeedka Taliyaha Ciidanka AMISOM u tegayo Kismaayo ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sidii uu u xalin lahaa xiisad u dhexeeya Ciidanka Kenya iyo kuwa itoobiya ee ku sugan Garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Magalada Kismaayo Tigabu Yilma ayaa waxaa uu maamulka Jubbaland kala hadli doonaa sidii Kismaayo uga soo degi laheyn diyaarad Sanaad Milateri u siday Ciidanka Itoobiya oo gelinkii dambe ee shalay Ciidanka Kenya u diideen inay ka soo degto Garoonka Kismaayo,isla markaana ay dib uga laabatay.

dhinaca kale diyaarada laga celiyay Garoonka Kismaayo ayaa isla shalay ka degtay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed,halkaasi Ciidanka Itoobiya ay Saldhig Ciidan ku leeyihiin.