Taliyaha Guud ee AMISOM oo Kismaayo u tagaya xalinta xiisad ka dhalatay diyaaradii shalay laga celiyay

0

Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Jen. Tigabu Yilma ayaa maanta la filayaa inuu safar ku tago magaalada Kismaayo, halkaasoo ay maalmihii u dambeeyay ka jireen xiisado siyaasadeed la xiriiray arrimaha doorashooyinka Jubbaland.

Socdaalka Taliyaha AMISOM oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa salka ku haya xalinta xiisada ka dhalatay diyaarad ay leeyihiin Milateriga Itoobiya oo shalay loo diiday inay ka degto garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha kala hadli doono Saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya in loo ogolaado diyaaradaas inay ka degto Kismaayo, hase ahaatee waxaa jira tuhun ah in qorshe ah in diyaaradaas ay saaran yihiin Ciidamo Kumaandoos ah oo ka socda Itoobiya, kuwaasoo aan qeyb ka aheyn howlgalka AMISOM.

Sarkaalka ugu sareeya Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Kismaayo ayaa maalin ka hor ka codsaday Saraakiisha Ciidamada Kenya in ammaanka garoonka diyaaradaha Kismaayo lagu wareejiyo, hase ahaatee waa laga diiday.

Dowladda Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inay wado dhaq dhaqaaq xoog leh oo ku aadan faragelin siyaasadeed iyo mid ciidan oo ay ku dooneyso inay ku sameyso doorashada Jubbaland.