DHAGEYSO:-Maamulka Somaliland oo ka jawaabay hadalkii Madaxwaynaha Puntland

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtidii todobaadkaan waxaa uu sheegay in Soomaaliland uu wadahadal kala gelayo deegaano ka tirsan maamulkaas oo uu sheegay inay kusoo xad-gudbeen,hayeeshee waxaa hadalkaas ka jawaabtay Soomaaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Soomaaliland ay taagan yihiin kala tag,isla markaana Soomaaliland ay tahay mid gooni isu-taagtay oo sameysatay Dastuur u gaar ah.

Waxaa uu sheegay in deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ay ka dhaceen dagaalo iyo dhibaatooyin kala duwan,hayeeshee uu rajeynayo inaysan soo laaban,laakin dhibaatooyinkaas ay diyaar u yihiin inay Puntland ka wada hadlaan.

Maxaabiis kala duwan ayuu sheegay in Soomaaliland iyo Puntland ay siidaayeen,isla markaana dhankooda ay diyaar u yihii wixii dani ugu jirto Shacabka oo dhinaca nabada ah.