DAAWO:-Mid Kamid Ah Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland Oo Tanaasulay

0

Axmed Cabdi Cabdi oo kamid ahaa musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Goordhow ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay u tartanka Doorashada.

Sababta uu Doorashada uga tanaasulay Axmed Cabdi ayuu sheegay inay tahay arrimo isaga u gaar ah,isla marlaana uu go’aansaday uu ka haro tartankii uu ugu jiray Madaxtinimada Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Axmed Cabdi  tanaasulka uu sameeyay in uu u arko ay ku jiro danta reer Jubbaland,waxaana uu mahadceliyay dadkii kula taliyay inuu ka haro Doorashada Madaxtinimada Jubbaland.