Al-Shabaab oo saaka weeraray Saldhig ciidan ku yaalla duleedka Jowhar

0

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka ka dhacay duleedka dhanka Galbeed ee magaalada, waxaana dagaalka uu u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidan saldhig ku lahaa.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa ahaa mid la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo laga maqlayay gudaha iyo daafaha magaalada.

Deegaanka la weeraray ayaa qiyaastii 7KM dhanka Galbeed ka xiga magaalada Jowhar, waxaana fariisin ku lahaa maleeshiyooyinka la magac baxay Macawiisley, kuwaasoo ah koox is abaabushay oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegay inay la wareegeen fariisinka ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda, ayna la wareegeen saanad milateri, kuna dileen lix askari sida ay sheegteen.

Weerarka Al-Shabaab saaka ku qaadeen duleedka dhanka Galbeed ee Jowhar ayaa ku soo aaday, iyadoo maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka socdaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.