AKHRISO:- Isbadaldoonka Jubbaland oo ku dhawaqay gudiga doorashooyinka

0

Xubnaha Baarlamaanka Jubbaland ee ay ku dhawaaqeen Isbaheysiga is bedel doonka ee Musharaxiinta Mucaaradka ayaa maanta ku dhawaaqay Guddi doorasho oo ka kooban 13 xubnood.

Guddigan ayaa sheegay inay qaban doonaan doorashada Madaxweynaha maalinta khamiista si la mid ah maalinta ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

C/rashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah Musharaxiinta mucaaradka ayaa ugu baaqay Axmed Madoobe inuu qudhiisa iska soo diiwaan geliyo Guddigan oo uu ku tilmaamay inuu yahay kan saxda ah.

Musharaxiinta mucaaradka ee aan is diiwaan gelin ayaa maalmihii u dambeeyay tallaab tallaab ka daba qaadayay waxa ay sameeyaan howsha ay hormuudka ka yihiin Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland, kuwaasoo soo qabtay doorashadii Guddoonka Baarlamaanka iyo xulistii Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Jubbaland.