SAWIRRO:-Xaliimo Yareey oo La Kulantay Guddiga Ku Meel-gaar Ah ee Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka

0

Guddiga ku meel-gaar ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta waxa ay xarruunta Villa Hergeysa kulan ku la yeesheen guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim {xaliimo yarey}.

Kulanka guddiga ay la yeesheen guddoomiyaha guddigga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka waxaa shir gudoominaayay guddoomiye ku xigeenka guddiga ku meel-gaar ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cumar Caymooy.

Kulanka ayaa ahaa mid is xogwaraysi ah iyo sidii ay guddigga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ay uga caawin lahaayeen sharciyadda muhiimka ah ee doorashooyinka qaranka oo ay haatan gacanta ku haayaan guddigga ku meel-gaar ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka.

Xubnaha guddiga ayaa su’aalo muhiim ah weydiiyay guddoomiyaha guddigga Madaxa-Bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo madaxdii kale ee la socotay.

guddoomiye ku xigeenka guddiga ku meel-gaar ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cumar Caymooy ayaa kaga mahadceliyay guddoomiyaha guddiga madaxa-Bannaan ee dooroashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim {xallmo yarey} sida wanaagsan oo ay uga jawaabtay su’aalihii ay weydiiyeen xubnaha guddigga Ku Meel-gaar ah ee diyaarinta sharcigga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka.

Ugu danbeeyntii kulanka ay guddiga la yeesheen guddoomiyaha guddigga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qarank ayaa ku soo dhamaaday si wanaagsan.