SAWIRRO:-Madaxweynaha JFS oo la kulmay dhiggiisa Jabuuti

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta magaalada Jabuuti ku yeeshay wadahadallo miradhal ah oo ku aaddan sare u qaadidda xiriirka xooggan ee labada dal.

Madaxweyneyaashu waxay ku heshiiyeen in la sii dardargeliyo iskaashiga labada dal oo ah mid ku dhisan walaaltinnimo iyo wax wada qabsi.

Booqashadan ayaa salka ku haysa aragti wadaagga ku saleysan iskaashiga, wadajirka, danwadaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).