Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo maanta xukun ku riday askar horey dil u geystay

0

Maxkamadda Sare ee Ciidanka Qalabka Sida Qeybta 60-aad ayaa Maanta markale waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada Koonfur Galbeed,kuwaas oo dilal geystay.

Yaasiin Maxamed Aadan oo ka tirsanaa Boliiska Konfur galbeed oo racfaan ka qaatay xukun Maxkamadda darajada 1aad ku riday ayay maxkamada sare Dil ku xukuntay saaka Magaaladda Baydhabo.

Yaasiin waxaa loo haystaa inuu dil bareera u gaystay marxuum Aadan Isaaq Ibraahim.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa xukun Dil ah ku riday racfaanle Xuseen Maxamed Cabdinuur oo ka tirsanaa Daraawiishta Konfur Galbeed oo isagane loo haysto Dilka Maxamed Guuloow Aadan oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Boliiska.