Guddiga doorashooyinka Axmed madoobe oo fuliyay soo jeedin ka timid Beesha Caalamka

0

Guddoonka cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland iyo Guddiga Doorashada axmed madoobe ayaa isku raacay in Baarlamaanka lagu wareejiyo hoggaaminta Howsha doorashada Madaxweynaha.

War saxaafadeed ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in aanan waxba laga bedeleyn habraacyada doorashada, isla markaana Baarlamaanka lagu wareejiyay howsha doorashada Madaxweynaya oo dhici doonto 22 bishan.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dhaqan gelinta soo jeedintii Beesha Caalamka oo ahaa inuu muuqdo Doorka Baarlamaanka ee qabashada Doorashada Madaxweynaha.