Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Bariire

0

Taliyaha Ciidamada Lugta Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in jab xooggan la gaarsiiyay Al-Shabaab markii ay isku dayeen xalay iney weerar ku soo qaadaan saldhig ciidanka Xoogga dalka ku leeyihiin duleedka deegaanka Bariire,halkaasina looga dilay 20-ka tirsan halka tiro intaasi ka badana looga dhaawacay.

Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay ka feejignaayeen weerarada kaga imaanaya Al-Shabaab,islamarkaana weerarkaasi ay kala kulmeen khasaro xoogan waa sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Qalabka sida ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka waday gobolka Shabeellaha hoose howlgallo, iyadoo howlgalladii u dambeysay ay kula wareegeen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.