Asaasaha ururka Al-Shabaab halkee buu ku sugan yahay?

0

Baraha bulshada Soomaalida ku xiriirto ee Internet-ka waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay qabsaday sawirka asaasaha iyo hoggaamiyihii Ururka Al-Shabaab oo muddo toban sano ka badan dagaallo ka wada dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Wadaadkaan oo lagu magacaabo Ismaaciil Caraale oo da’diisu tahay 55-sano jir ayaa sawirkiisa isagoo ku sugan goob xaflad ka dhaceyso ka soo muuqday baraha bulshada, iyadoo Soomaali fara badan ay ka hadleen ninkaasi oo haatan degan magaalada Burco ee gobolka Todheer oo ka tirsan gobolada uu ka taliyo maamulka Somaliland.

Ismaaciil Caraale ayaa ka mid ahaa maxaabiis ciidamada Mareykanku ku xireen xabsiga Guantanama Bay ee dalka Kuuba, kaasi oo inta badan lagu xiro madaxda iyo saraakiisha sare ee ururrada argagixisada ah, inkasta oo markii dambe laga sii daayay isla markaana dalka Jabuuti laga dejiyay.

Warar kala duwan oo aanu ka helnay Ismaaciil Caraale ayaa sheegaya inuu ahaa hoggaamiyaha xarakada Al-Shabaab isla markaana uu ka horeeyay Axmed Godane oo markii dambe jagadaasi qabtay balse markii dambe lagu dilay duqeymo ciidamada Mareykanka ay ugu geysteen degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Ilaa iyo iminka lama sheegin in Ismaaciil Caraale uu weli la shaqeeyo ururkii uu asaasaha ka ahaa, inkasta oo wararka qaarkood ay sheegayaan inuu yahay la taliyaha ugu sareeya xarakada.

Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dalka Soomaaliya ka geystay weeraro toos ah, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo uu ku khaarajiyay madax iyo xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Waa mas’uulkii ugu horeeyay ee aan weli si cad u shaacin mowqifkiisa ururka Al-Shabaab oo inta badan madaxdoodu ay dhuumaaleysi ku joggaan goobaha ay xarakadu maamusho, iyadoo madax iyo saraakiil isaga baxay ururka Al-Shabaab ay sheegaan inay isaga baxeen.