Akhriso:-Dad loo xiray boobkii loogu geystay Ganacsatada Soomaalida Dalka Koonfur Afrika

0

Booliska dalkaas ayaa la sheegay in howlgal ay sameeyeen saacadihii la soo dhaafay ay gacanta ku dhigeen 18 Ruux oo lagu tuhmayo boobkii ka dhacay  Xaafadaha Dobsonville, Meadowlands, Rockville, Naledi, Zola, iyo Emdeni.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Booliska Koonfur Afrika ayaa sheegay in dadkaan la xiray ay yihiin dad looga shakiyay inay ku lug leeyihiin falkaasi boobka ah ee Ganacsiyadooda lagula kacay dadka Ajaanibta ah.

Sidoo kale dadka la boobay hantidooda oo Soomaali ay ku jiraan ayaa qaarkood waxaa ay sheegeen in ay dib ugu laabayaan dalalkooda maadaama aysan dalkaasi ku heysan nabadgelyo oo markasta dil iyo boob la isugu darayo.

Wararka aan ka heleyno Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayana in deganaansho aan caga badan ku taagneyn ay ka jirti xaafaadihii uu boobka ka dhacay wallow la geeyay Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika