Ciidanka Dowladda Oo La Wareegay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ay ka sameeyeen tuulooyin ka tirsan Gobolka Gedo.

Inta uu socday Howlgalka Ciidamada dowladda ayaa waxaa kula wareegeen tuulooyin dhowr oo ka tirsan Gobolka Gedo,halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Ciidamadu ay la wareegeen tuulooyin ay ku sugnaayeen Al-shabaab,waxaana kamid ah Cabdi afeey iyo Baar-macallin oo hoos yimaada degmada Baardheere.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in shidaal iyo agab kale oo ay lahaayeen Al-shabaab ay la wareegeen Ciidamada dowladda ee fuliyay howlgalkaas.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa deegaano ka tirsan Gobolada dalka waxaa ay ka wadaan howlgalo ay ku doonayan in Al-shabaab ay uga saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin dalka.