AKHRISO:- Koonfur Galbeed Oo Xal U Raadineysa Shaqaaqadii Dhawaan Ka Dhacday Baydhabo

0

Kulank ay wada qaateen Guddiga Xaqiiq raadinta uu magaacaabay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya ee deegan Doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed ayaa ujeedkiisa ahaa Sidii Xal Waara looga Gaari lahaa Shaqaqadii Ka Dhacday Magaalada Baydhabo 9-kii bishan Agoosto ee sanadka 2019,taasi oo ay ku dhinteen Dad tiradooda ay gaarayso ilaa iyo 8 qof

Kulanka ayaa inta uu Socday Waxaa la isku dhaafsanayey Sidii loo heshiisiin lahaa beelo walaalo ah oo mudo dirirsanaa loona heli deganaansho iyo ka wada Shaqayn amni si aan fursad uhelin dadka Kasoo Horjeeda Jiritaanka Dowladnimada.

Xildhabaanadda Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhankooda Sido Kale ammaanay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen Sida wanaagsan ee uu Magacaabay Guddi Isugu Jira Wasiiro Sarakiil Ciidan Maamul Gobol iyo Degmo oo Ka Shaqaynaya Sidii Xaqiiqda loogu heli lahaa dhacdadan,waxayna tilmaameen in Taasi ay keeni Karta isku dhowaansho iyo u horseedida Hannaanka Dowladeed ee kaso ifaya Deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.