Muxuu yahay heshiiska ay shalay wasiirada ansixiyeen ee Soomaaliya iyo Turkiga?

0

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay heshiis is afgarad oo u dhaxeeyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda dederaalka ah ee Soomaaliya iyo wasaaradda shaqada, daryeelka bulshada iyo qoyska ee Jamhuuriyada Turkiga.

Is afgaradka oo ku saabsan qaybaha shaqada iyo shaqaaleynta,una dhexeeya dowladda Jumhuuriyada Turkiga iyo dowladda Federaalka ee Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa dhinacyada waxaa ay iska kaashanayaan taququsyada la xiriira shaqada iyo shaqaaleysiinta.

Labada wasaaradood waxay is dhafsan doonaan dokomiintiyada iyo macluumaadka la xiriira shuruudaha iyo wax ka beddelkooda,iyada oo guddi wada-jir ah uu ka shaqeynayo fulintinta iyo xaqiijinta arrimaha la xiriira heshiiska.

Heshiiskan is afgaradka ah ayaa horay waxaa u ansixiyay golaha wasiirrada ee Jamhuuriyada Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa golaha wasiirrada uga mahadceliyay ansixinta heshiiskan is afgaradka ah, wuxuuna caddeeyay heshiiskan oo mari doona Baarlamaanka inuu muhiimad ballaaran u leeyahay Soomaaliya.