Isku Aadka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka G/Banaadir Oo La Sameeyay

0

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay lagu qabtay Xaflada isku aadka wareega Guruubyada tartanka kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir oo sanadkasta la qabto.

Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa loo qeybiyay afar Group oo sadex group ay ku dagaalami doonan afar kooxod halka group-ka A ay ku dagaalami doonan shan kooxood.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Dhanka arrimaha Bulshada iyo Wacyi Galinta Marwo Basma Caamir Axmed (jaktti) ayaa ku dhawaqday in tartanka kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir uu bilaaban doono 1-da Bisha soo socota ee September 2019.

Tartankaan ayaa waxaa ku tartami doonan 17ka Degmo ee Gobolka Banaadir.

Tartanaka waxaa difaacanaya degmada waaberi oo qaaday laba sanno oo isku xigta.

Hoos ka Daawo sida ay isugu beegmeen Degmooyinka Gobolka Banaadir.