AKHRISO:- Nooc Cusub Oo Cuddurka Malaariyada Oo Ka Dilaacay Qeybo Ka Mid Ah Is-Maamulka Soomaalida Ee Ethiopia

0

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay inay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu xakameeyo cudurka Malaariyadda nooca Chikungunya oo ka dilaacay qeybo ka mid ah Bariga dalkaasi.

Is-maamulka magaalladda 2-aad ee ugu weyn dalkaasi ee Diridhabe waxay shalay shaaciyeen inay socdaan olole looga hor tagayo cuurkaasi, iyadoo ay in ka badan 3,750 Kiisaska cuddurkaasi laga helay magaalladdaasi

Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee Diredhabe, Fu’aad Kadiir oo la hadlay Idaacadda FANA waxa uu sheegay in aan weli la xaqiijinin inay dhamaan Kiisaskaasi xiriir la la leeyihiin nooca cusub ee cuddurka Malaariyadda

Lama soo werinin dad u geeriyooday cuddurkaasi, iyadoo dadka ku nool Diridhabe loo qeybiyey in ka badan 179,000 oo maro-kaneecadda looga gaashaanto qaniinyada Kaneecadda.