AKHRISO:- Kulamo natiijo la’aan ku dhamaaday oo ka dhacay Kismaayo

0

Kulamadaan ayaa waxaa ay u dhaxeeyeen Saraakiil ka socotay Sirdoonka Itoobiya iyo Madaxweynaha Jubbaland,waxaana kulamadaas intooda badan looga hadlayay Arrimaha la xiriira doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo Magaalada Kismaayo

Kulanka oo Madaxweynaha Jubbaland ay ku wehlinayeen Wasiirada Amniga iyo gudaha ayaa Saraakiisha Itoobiya waxaa ay hordhigeen qodobo kal ah, in markale dib loo furo waqtiga isdiiwangelinta musharixiinta,isla markaana fursad la siiyo musharixiinta mucaaradka iyo in la qaado xayiraadii Golaha Wasiirada Jubbaland saareen Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka inay tagaan Kismaayo.

Ilo xog-ogaal ah ayaa waxaa ay ku waramayaan in Madaxweynaha Jubbaland uu saraakiisha u sheegay in arrinta la xiriirta isdiiwaangelinta ay u taallo Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka halka xayiraada la saaray mas’uuliyiinta dowladda sidoo kale uu yahay go’aan Gole Wasiiro iyagana dib loogu celinayo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Saraakiishii ka socotay Sirdoonka Itoobiya ay dib ugu soo laabteen Magalada Muqdisho oo markii hore ay ka tageen,waxaana wadahadalladaas ilaa iyo hadda aan wax war ah kasoo saarin Madaxtooyada Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa xilligaan galaya doorashooyinka guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha, iyada oo habka ay haatan wax u socdaan ay dhaliilsan yihiin dowladda federaalka iyo musharixiinta Madaxweynaha qaarkood,kuwaas oo aan weli is diiwaangelin.