SAWIRRO:-Wasaaradda Howlaha Guud XFS oo la wareegtay Nuqul ka mid ah Habraacyada ay ku shaqayn lahayd Hey’adda Dhismaha waddooyinka

0

Shir Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta ay kulla wareegaysay Nuqulo ka mid ah Habraacyada ay ku shaqayn lahayd Hey’adda Jidadka Soomaaliyeed (Somali National Highway Authority) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Jamaal Xasan Ismaciil, Madaxa Haayadda GIZ, Xubno kasocda Midowga Yurub (EU), Xafiiska Madaxwaynaha, Agaasimaha Guud & Qaar kamid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ayaa kaqayb galaya.

Intii uu shirku Socday ayaa Christoph Schmidt oo kasocda Haayadda GIZ & Abdiwali Mohamed oo kasocda Haayadda Jidadka Soomaaliyeed SNHA Waxa ay madasha ku soobandhigeen Wax qabadka haayadda Waddooyinka Soomaaliyeed intii ay jirtay.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Jamaal Xasan Ismaciil oo sooxiray shirka ayaa u mahadceliyey kasooqayb galayaasha Shirka iyo Shaqadii adkayd ee lasooqabtay “Runtii aad baan ugu faraxsanahay in GIZ, EU & Wasaaraduba oo Hawshan (Somali National Highway Authority) aan iskala shaqaynay, Sidaa darteed Shirkeenii maanta kalawareejinta ahaa qalabkii inoo dhinaa iyadoo hawshu ay wali inoosii socondoonto aynan intaa uga hadhaynin, Anaguna wixii kale ee kadhiman ayaan dhamaystiri doonaa” . Ayuu yiri wasiir kuxigeenka

Hayadda Jidadka Soomaaliyeed ayaa kamid ah Haayadahii madaxa banaanaa ee hoos imaanjiray Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhowaan ayaa dib loo hawlgaliyey waxaana wali socda dhamaytirka Shaqada haayadda.