SAWIRRO:-Sheekh Shaakir oo Dhuusamareeb shahaado sharaf ku gudoonsiyay Saraakiil Ciidan

0

Madaxa xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ka qeyb galay munaasbada lagu abaal marinaayay Saraakiil ka tirsinaa Ciidankii Ahlusunna ee Guriceel ku qabtay nin doonaayay in uu isku qarxiyo Xaflad Ka sotay Guriceel.

Madaxa xukuumada Galmudug ayaa sheegay in saraakiishaan ay mudan yihiin bilad geesinimo waxa uuna Gudoonsiyay Darajooyin ciidan iyo Shahaadooyin.

Saraakiisha lagudoonsiiyay Shahaadooyinka waxaa ka mid ah Gaashaanle Sare Cabdulaahi Cabdi Raage oo ah taliyaha Nabad Sugida Ciidanka Ahlusunna oo ka mid ahaa saraakiisha la sheegay in ay Fashiliyeen Qarax lala damacsanaa Xaflad ka socotay Guriceel.

Gaashaanle dhexe Cabdinaasir Maxamed Jaamac Manoole oo ah Taliye ku xigeenka Nabad Sugida Ciidankii Ahlusunna ayaa munaasabada lagu gudoonsiiyay Shahaado sharaf.

Saraakiisha Ciidanka ee Maanta Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan uu dhiira Galinta u sameeyay ayaa Waxaa ka mid Dhame Cabdixakiim Macalin Dhabarey oo ka tirsinaa Ciidanka Amaanka Ahlusunna ee ku biiray Galmudug.

Sidoo waxaa maanta Dalacsiin Darajo Ciidan uu u sameeyay Madaxa Xulumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Dhamme Axmed Xuseen Diiriye Juujuule oo ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Madaxa Xukumadda Galamudug.

23-dii May ee Sanadkaan ayay eheed markii Ciidamo ka tirsan kuwa Ahlunna ee ku biiray Galmudug ay Guriceel ku qabteen Ruux isi soo miidaamayay kaas oo doonayay in uu isku qarxiyo Xaflad ka socotay Magaaladaasi oo ay ku sugnaayeen Sheekh Maxamed Shaakir Madaxa Xukumada Galmudug, Gudoomiyaha Ahlusunna Macalin Maxamed Sheekh Xasan,Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale.